Muqdisho (KAAB TV) – Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Sivuyile Thandikhaya Bam, ayaa ku ammaanay ciidamada Midowga Afrika sida ay uga go’an tahay iyo doorka ay ku leeyihiin soo celinta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.
Bam ayaa intii uu ku guda jiray booqasho uu ku tagay Xarunta Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS , waxa uu kula dar daarmay ciidamada inay sii joogteeyaan ka gacansiinta Ciidamada Nabad Suggida Somaliya (SSF) si ay u sugaan ammaanka dalka.
“Waan ku hanweynahay shaqada aad qabateen, sii wad shaqada wanaagsan. Waxaan ku hanweynahay inaan ka mid noqdo koox rag iyo dumar isugu jira oo u heellan inay xal u helaan,” ayuu raaciyay.
Waxa uu xaqiijiyay in ATMIS ay diiradda saarayso dejinta qorshe ka bixitaan ah oo aan waxba u dhimi doonin guulaha amni ee la gaaray.
Taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS ee qaabilsan howlgalada iyo qorshayaasha Maj. Gen. Marius Ngendabanka ayaa muujiyay kalsoonida uu ku qabo awooda ciidamada si ay u xasiliyaan Soomaaliya.
“Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika waxay wax badan u hureen Soomaaliya iyagoo fuliyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan ee ka soo horjeeda,” ayuu yiri.
Maj. Gen. Ngendabanka ayaa xusay in howlgallada wadajirka ah ee ay la sameeyeen SSF guud ahaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ay sidoo kale guteen waajibaadkii loo igmaday.
DSRCC waxay sidoo kale soo booqatay Xarunta Hawlgalka Wadajirka ah (JOC), taas oo muhiim u ah horumarinta iskudubarid iyo qorsheyn ka dhexeeya ATMIS iyo SSF. Intaa waxaa dheer, xaruntu waxay fududaynaysaa wada shaqaynta iyo qorshaynta hawlgelinta iyadoo la raacayo ATMIS Concept of Operations (CONOPS).
Waxaa uu warbixin ka dhageystay ATMIS howlgallada ciidamada iyo xaaladda amni ee dalka ka jirta. Taliyaha guud ee ATMIS Gen. Kindu Gezu iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa goobjoog ka ahaa booqashada.