SO | EN

SO | EN

Kualnkii Baarlamaanka ee maanta oo dood adag looga yeeshay ansixinta sharciga Hantidhowrka

|

Muqdisho (KAAB) – Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya Aadan Madoobe oo ay wehlinaayeen kuxigeenadiisa ayaa shir guddoomiyay kala fadhiga seddexaad kulankiisa 15-aad.

Sidoo kale, Xildhibaannada ayaa kulankan dood adag kaga yeeshay aqrinta labaad ee hindise sharciyeed hantidhowrka guud ee qaranka, sidoo kale xildhibaannada ayaa shaaca kaqaaday in dib loosoxo qodobada mad madowga uu kujiro kuwaas oo aad muhiim ugu ah hantidhowrka guud ee qaranka.

Dhanka kale, mid kamid xildhibaannada ayaa mid mid usoo qaatay qodobo ey kamid yihiin magacaabista iyo xilkaqaadista hantidhowrka ee muhiimada weyn uleh kuna jira sharcigan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe oo soo gabagabeeyay kulanka ayaa sheegay in xildhibaannada kataga fadhiga baarlamaanka intii uu socdo in loo ey noqoneyso isagoo aanan imaanin kulanka baarlamaanka.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News