SO | EN

SO | EN

Kulamada Golaha Shacabka oo la hakiyay

|

Muqdisho (Kaab TV) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda  Federaalka Soomaaliya Sheikh Adan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay  kulanka 23-aad ee Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka.

Kulanka ayaa ajendihiisu ahaa hakinta fadhiga golaha inta lagu guda jiro gudashada acmaasha Xajka iyo fasaxa Ciidda iyo ajandaha warbixinnada la xisaabtanka Xukuumadda.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa lagu go’doomiyay in la hakiyo fadhiga Golaha laga bilaabo maalinta Sabtida ah oo ku beegan 17-Juun 2023-ka, isla-markaana dib loo furi doono 5-ta Bisha Luuliyo ee sanadkan.

Kulanka ayaa soo kale looga hadlay in Xukuumadda Federaalka ay soo gudbiso xisaab xirka miisaaniyadda ugu dambeyn 30-ka Juun, si waafaqsan Qodobka 102aad Faqradda 1aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka BJFS.

Shalay ayay aheyd markii Golaha uu yeeshay kalfadhiga saddexaad kulankiisa 5-aad, kaasi oo uu ajandihiisu ahaa hadal jeedinta warbixinta guddoomiyaha Golaha Shacabka kulamadii aan caadiga aheyn ee guddiga joogtada ee Golaha iyo akhrinta koowaad ee hindise-sharciyeedka howl-gabka iyo liiltirka shaqaalaha rayidka.

Kulankaas ayaa goluhu iskula qaatay in Golaha Wasiiradda mid mid loogu yeero, lana bilaabi doono todobaadyada soo aaddan su’aalooyinna lagu weeydiin doono Golaha hortooda.

Hasayeeshee, golaha Shacabka ayaa waxaa horyaalla dhowr ajande oo qaarkood qaby ah, Sidoo kale shuruuc kala duwan oo kasoo gudubtay Golaha Wasiirrada xukuumadda federaalka, iyo weliba qorshaha wax ka bedelka Dastuurka, oo dood badan dhaliyay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News