SO | EN

SO | EN

Kulamo xasaasi ah oo xalay ka socda Muqdisho & Villa Somalia oo War soo saartay

|

Muqdisho (KAAB) – Hoyga Madaxweynihii hore Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed waxaa xalay ka dhacay kulan xasaasi ah oo ay ka qeyb galeen Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaarayaashii hore Xasan Kheyre, Cumar C/rashiid, C/weli Gaas, Xildhibaan C/qaadir Cosoble, Wasiirkii hore Waxbarashada Dr. Cabdinur iyo xubno kale.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shirkan ay uga arrinsanayaan ajandayaasha ay maalinta berri la hortagi doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh oo martigelin doono shir wadatashi oo uu Mas’uuliyiintan hore la yeelan doono kaasoo uu kala hadli doono go’aanadii bishii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran oo ku saabsan hannaanka doorashada.

Mas’uuliyiintan oo maanta badankood soo gaaray Muqdisho ayaa horay uga soo horjeestay heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran, waxaana ay soo ajiibeen martiqaad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqda mid durba bilaabay inuu xilli hore furay saaxada siyaasadda iyo albaabada wadatashiga arrimaha masiiriga u ah dalka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya xaqiijinta Soomaali heshiis ah ayaa barri daahfuraya kulan wadatashi ah oo ay wada qaadanayaan madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka, kaas oo ku saleysan wadatashi iyo is-qancin in looga gudbo xaaalada dalka uu ku jiro” ayaa lagu yiri qoraal xalay ka soo baxay Villa Somalia.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga mahad-celinayo madaxdii hore sida ay u soo ajiibtay ka qeyb-galka kulankan isla markaana uu madasha kula wadaagi doono waxyaabaha u qabsoomay dawladda intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga mustaqbalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News