Muqdisho (KAAB TV) – Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa Magaalada Muqdisho ku qabtay Shirweynaha Wacyigelinta Doorashada qof iyo codka ah, iyadoona ujeedkiisu ahaa sidii ay bulshada wax ugu baran lahaayeen Sooyaalka Doorashooyinkii soo maray dalka iyo fahamka Doorashooyinka tooska ah (Qof iyo Cod).
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in diyaar garowga Maamulka iyo Bulshada Gobolka Banaadir ee Doorashooyinka tooska ah ay furo u noqoneyso albaabka doorashooyin qof iyo cod ee ka dhaca guud ahaan dalka Soomaaliya.
Sidoo kale, guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay sidii bulshada caasimadda loo gaarsiin lahaa Doorasho Qof iyo Cod, si ay usoo doortaan hoggaanka Maamuli lahaa oo aan ku imaan magacaabis, waxa uuna xusay in dhawaan lasoo gaba-gabeeyay asteynta goobaha diiwaangelinta iyo codbixinta dadweynaha ee Gobolka Banaadir.
Ugudambeyn, munaasabadan lagu xusaayay doorashooyinka dalka ka dhacaayo ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhamaan xubnaha maamulka gobolka Banaadir, khaar kamid ah golaha Wasiiradda, bulshada qeybeheeda kala duwan, iyadoona dhamaan dadkii goobta ka hadlay ay wada sheegeen in doorasho qof iyo cod ah loo baahanyahay.