Kismaayo (KAAB TV) – Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland lagu qabtay kulan looga soo horjeeday faragalinta DFS ka wado deegaannada maamulka Jubbaland.
Sidoo kale, kulankan oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiin ayaa ka hadlay faragelinta DFS ka wado deegaanadooda, iyagoona sheegay in wax laga aamusi kara aysan aheyn tallaabooyinka DFS ay ku kala qeybineyso bulshada reer Jubbaland.

Dhanka kale, waxaa kulanka ka hadlay qaar kamid ah xildhibaano katirsan BJFS ee kasoo jeeda deegaannada Jubbaland, waxa ayna xildhibannadan sheegeen in muhiim tahay in laga hotago xasilooni darrada kusoo fooda leh bulshada reer jubbaland, iyagoona si gaar ah ugu eedeeyay DFS in halkaasi ay kawado hirgalinta maamul cusub oo laga dhisaayo gobolka Gedo.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xili muddooyinkii ugudambeeyay ay xiisad colaadeed oo udhexeysa jubbaland iyo DFS ay ka taagneyd gobolka Gedo, iyadoona halkaasi ay ugudambeyn, gacan ku heynteeda ay lawareegtay DFS, oo hadda halkaasi ka wado hirgelinta maamul cusub oo laga dhisaayo gobolka Gedo.

