SO | EN

SO | EN

Kulan qarsoodi ah oo dhexmaray Cabdikariim Guuled iyo safiirka Midowga Yurub

|

Muqdisho (Kaab TV) – Ergayga madaxweynaha u qaabilsan arrimaha Soomaaliland Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta kulan qarsoodi ah layeeshay safiirka Midowga Yurub Tiina Intelman.

Ergayga ayaa ugu horeyn uga warbixiyay safiirka midowga Yurub sida ay uga go’antahy dib u bilaabida iyo dardar-galinta wada hadallada Soomaaliland isaga oo tilmaamay sida ay uga go’antahy dowladda sidii looga gun gaari lahaa arrimaha Soomaaliland.

Tiina Intelman ayaa bogaadisay in ay diyaar uyihiin in dowladda Soomaaliya ay ka caawiyaan sidii looga shaqayn lahaa midnimada ummada Soomaaliyeed ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay kulankaas oo qarsoodiga ahaa.

Ergayga ayaa sidoo kale qorsheynaya in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wada-hadallada.

Hasayeeshe dad badan ayaa qaba in arrimaha Soomaaliland loo sameeyo Ergay gaar ah in ay tahay mashruuc larabo in wadamada caalamka lacag looga cuno.

Si kastaba lama oga halka ay kudambeyn doonto xaalada Soomaaliland iyo Soomaaliya waxaana loo badaniyaa in inta uu Muuse Biixi joogo Soomaaliland ay san macaquul noqon karin in ay wadahadalo miro dhal ah layeelato dowladda Soomaaliya madaama Soomaaliland in kabadan 30-sano ay sheeganaysay dowlad ka madax banaan Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News