Muqdisho (Kaab TV) – Madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka dhacay kulan albaabada u xirnaayeen oo u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Kulanka labada madaxweyne u dhaxeeya ayaa looga wada hadlayaa xaalada siyaasadeed ee dalka ka taagan gaar ahaan heshiiskii ay gaareen golaha Wadatashiga Qaran ee muddo kororsiga loogu sameeyay dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka.
Sheekh Shariif ayaa la sheegay in madaxweynaha uu kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin arrimaha dastuurka, hannaanka doorashooyinka, muddo kororsiga, xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, arrimaha la dagaallanka argagixisada, arrinta Gedo, colaadda Laascaanood iyo colaadaha kasoo cusboonaaday qaybo ka mida gobollada dalka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo dhawwaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa wada kulamo kala duwan uu la yeelanayo siyaasiyiinta iyo madaxda dowladda, kuwaas oo uu kala hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka.
Marka laga yimaado Shariifka, waxaa jira siyaasiyiin kale oo miisaan culus, aadna u diidan muddo kororsigaan, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda ay Muqdisho soo gaaraan intooda badan oo mowqifka ay ku diidan yihiin qorshahaan ay ololihiisa bilaabaan.
Ajendaha kulamada uu Sheekh Shariif ka wado Muqdisho ayaa lagu sheegay inay ku qotomayaan sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha siyaasadeed ee ka taagan dalka.