Washington (KAAB TV) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa ku kulmi doona Jimcaha soo socda ee 15-ka Agust gudaha gobolka Alaska, ee dalka Mareykanka si ay uga wada hadlaan mustaqbalka dagaalka Ukraine.
Sidoo kale, Trump ayaa markii hore shaaca ka qaaday, inuu shirka ka dhacayo gudaha Mareykanka, waxaana markii dambe xaqiijiyay afhayeenka aqalka Ruushka ee Kremlin-ka oo sheegay in goobta loo doortay ay tahay mid macquul ah, maadaama Alaska ay si juqraafi ah ugu dhowdahay Ruushka wuxuuna intaa ku daray wareegga xiga shirkan inuu ka dhacayo gudaha Ruushka oo martiqaadkaa loo diray Trump.
Dhanka kale, Ukraine weli kama aysan bixin wax falcelin ah Ku dhawaaqista kulankan ayaa timid saacado yar kadib markii Trump uu muujiyay in laga yaabo in Ukraine ay khasab noqoto inay dhul ka tanaasusho si loo soo afjaro dagaalka, kaas oo bilowday markii Ruushka uu si buuxda ugu duulay bishii Febraayo 2022.
Warbaahinta CBS ayaa shaacisay in Aqalka Cad uu isku dayayo inuu madaxda Yurub ku qanciyo heshiis ay ku jirto in Ruushku qaato dhammaan gobolka Donbas ee bariga Ukraine isla markaana uu sii heysto Crimea.
heshiiska la soo jeediyay waxaa sidoo kale ku jira in Ruushku ka tanaasulo gobollada Kherson iyo Zaporizhzhia oo uu qayb ahaan gacanta ku hayo.
Wall Street Journal ayaa soo werisay in Putin uu soo jeediyay qorshe la mid ah kan intii lagu jiray kulan dhawaan uu la yeeshay ergayga gaarka ah ee Trump, Steve Witkoff oo toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Moscow.
Sikastaba, ma cadda in Ukraine iyo xulafada Yurub ay aqbali doonaan heshiis noocaas ah, maadaama Zelensky iyo Putin ay weli aad ugu kala fog yihiin shuruudaha nabadda. Zelensky ayaa hore u diiday in lagu xiro nabadda shuruudo ku saabsan tanaasul dhul.

