Muqdisho (Kaab TV) – Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu gorfeeyay arrimo dhowr ah, sida ammaanka iyo dagaalka Al-Shabaab.
Kulankan todobaadlaha ah oo maanta looga hadlay arrimo badan, waxaana shir guddoominaayay R/Wasaare Xamze Cabdi Bare iyo R/Wasaare kuxigeenka xukuumadda Fedreaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac.
Shirka golaha Wasiiradda ayaa maanta lagu ansixiyay heshiiska dhismaha xarunta dhexe ee sanduuqa caalamiga ah iyo horumarinta qorsheynta ee WFDP, oo ay noqoneyso markii ugu horeysay ee laga sameeyo Soomaaliya.
Sidoo kale, golaha ayaa ka hadlay arrimaha ku aadan amniga guud ee dalka, ayada oo warbixino laga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga Wasaaradaha ayaa soo bandhigay guulihii ay ciidamada qaranka ka gaareen xasillinta iyo xoreynta goobaha ay weli ku sugan yihiin Kooxda Al-Shabaab.
Xamze oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay in ay ka go’an tahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo xaqiijiyana deegaannada laga saaray Al-Shabaab la gaarsiinayo adeegyada dowladda.
Hasayeehsee, Soomaaliya ayaa hadda ku sugan marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ka qayb qaadanaya dadka deegaanka, ayada oo guullo waa weyn laga gaaray balse muddoyinkii dambe ey kuyimaaden gaabis.