Muqdisho (KAAB TV) -Waxaa maanta baaqday kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, xilli Arbacadii buuq ay sameeyeen qaar kamid ah Xildhibaannada oo diidana hab hoggaaminta Guddoomiye Aadan Madoobe.
Farriin loo diray Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in kulanka baaqday, maalinta isniinta ee socotana la qaban doono shirka xiga.
Golaha Shacabka ayaa fadhiyadooda yeesha maalmaha Sabti, Isniin, iyo Arbaco, waxaana maanta la filayay in xildhibaanadu isugu yimaadaan kulankoodii caadiga ahaa.
Kulankii arbacada ayaa ku soo dhammaaday buuq, iyada oo qaar kamid ah xildhibaannada ay diidanayeen habka golaha looga saaray Xildhibaan Cabdullaahi Abiib, wallow Guddoomiyaha Aadan uu guddi u saaray xiisaddaasi.
Sidoo kale, waxaa xusid mudan in afar Xildhibaan oo ka tirsan golaha laga mamnuucay fadhiyada.
Dhanka kale, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa haatan dalka ka maqan, isaga oo ku sugan magaalada Algiers ee dalka Aljeeriya, halkaas oo uu uga qeyb galayo Shirweynaha 38aad ee Ururka Baarlamaannada Carabta (UIPA)