Muqdisho (KAAB TV) -Kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta loo balansanaa ayaa baaqday, kaasi oo qeyb ka ahaa kulamada caadiga ah ee Golaha.
Kulanka maanta baaqday ayaa noqon lahaa kii ugu horreeyay ee ay yeeshaan xildhibaannada Golaha Shacabka tan iyo markii ay galeen fasax gaaban oo la xiriiray maalmaha ciidda. Fasaxa kadib, waxaa laga sugayay in Golaha si rasmi ah ugu laabtaan howlaha shaqo.
Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa kulankoodii Khamiistii ku go’aamiyay in dib loo bilaabo kulamada Golaha laga bilaabo maanta oo Isniin ah. Go’aankaas kadib, waxaa la filayay in xildhibaanadu isugu yimaadaan kulan muhiim ah, balse ugu dambeyn wuu baaqday.
Golaha Shacabka ayaa sida caadiga ah kulamo yeelan jiray saddex maalmood toddobaadkii, kuwaas oo ah Sabti, Isniin iyo Arbaco. Sidaas darteed, kulanka ugu dhow ee la rajeynayo in uu qabsoomo waa maalinta Arbacada, haddii aan isbeddel kale imaan.
Waxaa horey u dhacay in kulamo dhowr jeer ah oo Golaha Shacabka loo qorsheeyay ay baaqdaan, iyadoo marar badan aysan jirin wax sabab ah oo si rasmi ah loogu shaaciyo baaqashadaas. Tani waxay noqotay arrin soo noqnoqota.
Baaqashada kulamo noocan ah ayaa inta badan dhalisa su’aalo iyo dareen shaki leh oo ku saabsan hufnaanta howlaha Golaha iyo qorsheynta kulamadooda.