SO | EN

SO | EN

ISMARI WAA: kulankii u dhaxeeyay Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo burburay

|

KISMAAYO (Kaab TV) – Waxaa si rasmi ah u burburay kulankii Xalay fiidnimadii soo bilaabmay ee u dhaxeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, kaas oo qaatay inka badan 4 saac.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay Madaxweyne Axmed Madoobe in dib loogu laabanayo doorashadiisa, sidoo kalana isku diyaariyo doorashada qof iyo cod ah, oo laga qabanayo deeganada Jubaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe, ayaa isagana dhankiisa ku adkeystay, in uusan marna aqbaliheyn in doorashadiisa lagu laabto, mid taas lamid ah ayuuna Xasan Sheekh u sheegay in Dowladda Federalka aqbasho doorashadiisa. Sidoo kalana laga laabto warqaddii ay horraan u soo saartay maxkamadda Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa si rasmi ah loogu kala tagay, waxaaa warar hordhac ah sheegayyaan in taliyaasha Sirdoonka dalalka Kenya iyo Itoobiya, oo dhexdhexaadiyaasha ahaa, ay markale caawa isku dayi doonaan inay kala dhex-galaan labada masuul.

War saxaafadeed Jubaland.
War saxaafadeed Jubaland.
War saxaafadeed Villa Somalia.
War saxaafadeed Villa Somalia.

Qodobada la isku mari waayey 

Saraakiisha sirdoonnada Kenya iyo Itoobiya oo isku dayay inay dhex dhexaadiyaan labada dhinac ayaa ku guuldareystay in wax natiijo ah laga gaaro kulamadii xalay illaa shalay galab ka socday magaalada Kismaayo.

Kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa hoggaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka, Sacdiyo Yaasiin Warsame, iyadoo ay wehliyaan Saabir Shuuriye, oo ah wakiilka Xasan ee xaraashka dhulalka isla markaana aad isugu dhow, iyo Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh, Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Dhanka Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), wada hadallada waxaa qayb ka ah Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig, Xildhibaan Maxamed Cumar Caananuug, Xildhibaan Xasan Ibraahim (Xasan Yare), iyo Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle, oo horay u ahaa Wasiiru-dowle iskana casilay xilkaas, isla markaana ah saaxiib dhow oo Axmed Madoobe la ah.

Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa sheegaya in labada dhinac ay is weydaarsadeen shuruudo adag, taas oo adkaysay in wada hadalladu yeeshaan wax miro dhal ah.

Dhanka kooxda Xasan Sheekh ayaa miiska keentay soo jeedin ah in guddiga lagu muransan yahay ee doorashada ee Muqdisho uu qabto doorashada cusub ee Jubaland, taas oo macnaheedu yahay in Axmed Madoobe markale isu soo sharraxo xilka madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, Jubaland ayaa si cad u diiday soo jeedintaas, iyadoo xustay in bishii Nofeembar 2024 ay xildhibaannada Jubaland hore ugu doorteen Axmed Madoobe madaxweyne.

Kooxda Xasan Sheekh ayaa ku marmarsiyootay in haddii arrintaas la aqbalo, kabka miisaaniyadda ee ka maqan Jubaland la fasixi doono. Jubaland ayaa muddo ka badan hal sano laga xanibay kabkaas, oo ah deeq uu bixiyo Bangiga Adduunka, balse sababo siyaasadeed awgeed loo hakiyey.

Dhanka Jubaland ayaa ku doodday in kabkaasi yahay xuquuq dastuuri ah, isla markaana aanu Xasan Sheekh awood gaar ah u lahayn inuu bixiyo ama hakiyo.

Kooxda Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku dalbatay in Madaxweyne Axmed Madoobe dib ugu biiro Madashii Wadatashiga Qaran, taas oo markii dambe isu beddeshay xisbi siyaasadeed uu leeyahay Xasan Sheekh.

Jubaland ayaa ku jawaabtay in aysan jirin madal noocaas ah, isla markaana meeshii ay ahayd ay hadda noqotay hal xisbi oo uu Xasan leeyahay.

Ilo wareedyadu waxay intaas ku dareen in kooxda Xasan Sheekh sidoo kale shuruud uga dhigtay in Jubaland xiriirka u jarto Puntland, taas oo Jubaland si cad u diiday, iyadoo qaar ka mid ah xubnihii kulanka joogay ay sheegeen in shuruuddaasi ay ahayd mid laga qoslay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News