Gaalkacyo (KAAB TV) – Boliiska magaalada Gaalkacyo ayaa xalay gacan kusoo dhigay nin burcad ahaa kaas oo dhac ugeystay gaari uu leeyahay qof shacab ah sida ey sheegen boliiska magaalada Gaalkacyo ee Puntland.
Sidoo kale, bayaan kasoo baxay boliiska ayaa lagu sheegay in ciidanka boliiska ey kuguuleysteen iney gacanta kusoo dhigaan gaari laga dhacay xaafada Siinaay, waxeyna intaasi kudareen boliiska in gaarigaan ey kasoo qabteen xaafada Garsoor.
Dhanka kale, Ninkan burcadka ah ee dhacay gaariga ayaa lasheegay in uuu u adeegsaday biskoolad Fake ah taas oo uu dhexgaliyay bacmadoow isagoona ugu dambeyntii dhac kugeystay.
Ugudamebyntii, laamaha amniga magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ninkan burcadka ah uu kusocdo baaritaano, sidoo kale, waxa ay shaaca kaqaadeen in maxkamadda lahorgeyn doono.