Muqdisho (Kaab TV) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay waxa ay howl-galo ay ka sameeyeen degmada Kaaraan kusoo qabtay waxyaalaha maanka dooriya iyo ragii ka ganacsanayay.
Nimankan lasoo qabtay ayaa lasheegay in ay waxyaalaha maanka dooriya ey kuwadeen Mootooyin kadib markii ay ka warheleen ciidanka amaanka.
Sidoo kale taliska booliska ayaa soo qabashada nimankan eedeysanayaasha ah kadib lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay, in nimankan lahorgeyn doono cadaalada.
“Caawa oo ay Taariiqdu tahay 04/06/2023 abaaro 08:45 PM ayaa ciidanka boliiska saldhiga kaaraan iyo ciidanka bolis milataariyo ay gacanta ku soo soodhigeen maandooriye xashiish ah iyo eedeysanayaashii waday waxaana la waafajin doonaa cadaalada” ayuu yiri talisku.
Dhanka kale goobta lagu soo bandhigay waxyaalahan maanka dooriya ayaa tegay xubnaha gobolka Banaadir oo ay ugu horeeyaan guoddomiyaha gobolka Banaadir iyo guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir.
Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada ee gobolka Banaadir oo Warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ragga lasoo qabtay ay keeneen nooc cusub oo ay rabeen in Xashiish kusoo galiyaan magaalada.
“Waxaan halkan u nimid howlgal lagu soo qabtay waxyaabaha maanka-dooriya, gaar ahaan Xashiish oo jawaano waa weyn ku jira oo noocii magaalada lagu soo gelin jiray la beddalay,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa xusay in Xashiiska lagu cabeeyay jawaano, kadibna afka hore dhuxul looga shubay, si aan loo arkin.