MUQDISHO (KAAB TV) – Dagaal kulul iyo duqeyn isla socda ayaa maanta ka dhacay duleedka bari ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaaso khasaare dhimasho iyo dhaawac laga soo warinayo.
Xoogagga deegaanka Laascaanood ee ka dagaalamaya Laascaanood ayaa sheegay in guul ka gaareen dagaalkii maanta. Baraha bulshada ayaa lagu arkay sawirrada gawaari ciidan oo la gubay iyo meydad iyo magacyo la sheegay inay yihiin askarta maamulka Somaliland.
Dagaalkan oo qarxay subaxnimadii Talaadada ayaa la sheegay inuu xooggiisa ka dhacay barxada Maraaga ee dhanka bari ee magaalada Laascaanood.
Xoogagga deegaanka ee ku sugan Laascaanood ayaa sheegay in fariisimahooda saaka lasoo weeraray.
Isbitaalada Laascaanood ayaa la sheegay in la gaarsiiyay dhaawacyo laga keenay furinta dagaalka maanta.
Dhanka kale, war saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidamada Somaliland “ay iska difaaceen ciidamada Maamulka Puntland ee Soomaliya iyo Kooxaha Argagixisada ah” oo soo weeraray, sida hadalka loo dhigay.
Dagaalka Laascaanood oo qarxay bishii Febraayo ee sannadkan ayaa u dhexeeya dadka deegaanka Laascaanood iyo ciidamada Somaliland.