MUQDISHO (KAAB TV) – Magaalada Laascanood ee gobolka Sool ayaa maanta ay isugu soo bexeen dadkii ugu tirada yaraa ee Salaadda Ciidda u soo baxa, iyadoo maanta ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Adxa.
Magaalada wali waxa ka dhacaya iska hor imaadyo hubaysan kuwaas oo ay ka baxsadeen dadka rayidka ah ee ku noolaa magaalada.
Qaramada Midoobay iyo hay’adaha samafalka ayaa sheegay in dad ku dhow 200,000 ay ka qexeen magaalada Laascaanood markii ay colaadduu ka qaraxday bishii Febraayo ee sannadkan.
Waxaa colaadda u dhexeysa ciidanka maamulka Somaliland iyo dagaalyahanka Dhulbahante ku dhintay dad lagu qiyaasayo inay ka badan yihiin 100 ruux.
Wariyaasha ku sugan Laascaanood ayaa sheegaya in gudaha magaalada aysan joogin carruur iyo haween iyadoo aan maanta la arkeynin carruur damaashaad ku jirta. Xaafadaha qaar waa kuwo cidlo ah, waxaa keliya goobahaas lagu arkayaa ciidamo hubaysan waxaana markasta suurtagal ah in iska hor imaadyo ay ka dhacaan.
Saddexda barxad ee magaalada Laascaanood lagu oogi jiray Salaadda Ciidda waa kuwo cidlo ah.
Mid kamid ah masaajidda ku yaalla magaaladaas ayaa la isugu geeyay dadka kooban ee maanta tegay si ay ugu tukadaan Salaadda.
Ciidanka Somaliland iyo dagaalyahanka Dhulbahante ee ka dagaalamaya Laascaanood ayaa is dhaafsanaya Madaafiic sababtay dhimasho, dhaawac iyo burbur horleh oo gaaray xaafadaha qaar ee magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool iyada oo weli ay is fadhiyaan labada ciidan.
Inkastoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku baaqeen in Somaliland ciidamadeeda kala baxdo Laascaanood, lana joojiyo dagaalka ka socda magaalada, ayaa waxay u muuqataa in dagaalku si fudud ku joogsan doonin.