W/Q: Mahad Wasuge
Labo cashar ayaa ku jira go’aanka dib loogu dhigay ka saarista dadka deggan dhulka xarunta Dab-damiska.
Casharka koowaad:
In aan lagu kalsooneyn oo aan la hubin in marka dadka deggan laga saaro kadib dhulkaas laga dhisi doono xarun dowladeed oo bulshada u adeegta.
Waxa aan maqli jiray beentaada hore runtaada dambe ayay u baas baxdaa. Maadaama ay dadka heystaan tusaalooyin dhowr ah oo inta dhul dowladeed laga saaray dadkii degganaa hadana shaqsiyaad loo qeybiyay, dadka deggan Dab-damiska waxa ay shaki ka qaban in dowladdu ka dhisi doonto xarun u adeegta bulshada oo aanan shaqsiyaad loo qeybin doonin sidii horey u dhici jirtay.
Dowladda waxaa la gudboon in ay dadaal badan ku bixiso in ay dadku aaminaan in ay run sheegeyso. Dowlad danta guud ka shaqeyneyso dadka in la baro aya mudan yihiin si lamid ah sida loosoo baray dowlad shaqsiyaad ka shaqeystaan.
Casharka labaad:
Go’aan kasta ee dowladeed ee u baahan fulin in ay muhiim tahay in heshiis lagu yahay. Shacab wada hubeysan oo aanan hub-ka-dhigis lagu sameynin in aad go’aan usoo gaarto kuna fuliso waa adag tahay.
Arrinta doorashada iyo wax-ka-beddelka dastuurka ayaa tusaale fiican ah. Haddii aanan hannaanka doorashada iyo wax-ka-beddelka dastuurka heshiis lagu ahayn, wakhti badan ma mudna in ay dowladda federaalka isaga lumiso sababtoo ah fulinta kuma xerna dowladda federaalka oo keliya.
Sida fulinta ka saarista dadka ee dab-damiska dib loogu dhigay oo kale ayaa dib loogu dhigi doonaa fulinta doorasho qof iyo cod ah. Howsha shaqada ugu badan u baahan waa in hannaanka doorashada iyo dhameystirka dastuurka heshiis lagu yahay.