Gaza (KAAB TV) – Haweeney kamid ahyed ciidanka Isra’iil ayaa meydkeeda laga helay dhismaha Isbitaalka Alshifa ee magaalada Gaza taas oo kamid ahyed dadkii ey soo qafaasheen xoogagga Falastiiniyiinta sida ey xaqiijiyeen ciidanka Isra’iil.
Sidoo kale, gabdhan meydkeeda ayaa laga helay dhismaha Isbitaalka Alshifa ee Gaza sida saakey oo jimco ah ay sheegeen Isra’iil.
Dhanka kale, bayaan kasoo baxay kooxda Isra’iil ayaa lagu sheegay in meydka “Noa Marciano oo da’deedu aheyd 19-jir oo kamid ahyed ciidanka difaaca Isra’iil loo wareejiyay dhulka Isra’iil ey maamusho.” sida lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidanka Isra’iil.
Ururka Xamaaz ayaa iyagana dhinacooda soo saaray muqaal maalmo kahor kaas oo ay kusheegeen in Noa Marciano ey kudhimatay duqeyn ey Isra’iil kageysatay Gaza.
Ugudambeyn, Isra’iil ayaa sheegtay in ay soo saareen meydka haweeney lagu magacaabi jiray ehudit Weiss oo 65-jir aheyd ayaa iyana meydkeeda laga helay dhismaha Isbitaalka Alshifa ee Gaza sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidanka Isra’iil.