Ceeldheer (KAAB TV) – Odayaal dhaqameed kasoo jeeda beesha Abgaal gaar ahaan Waceysle ayaa isku soo dhiibay ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee Macwiisleyda.
Sidoo kale, labadan ee isku soo dhiibay ciidanka dowladda ayaa waxaa lagu kala magacaaba Cali Maqane & Axmed Cali Gadaf labadan oday ayaa waxaa lasheegay iney lashaqeyn jireen Al-Shabaab iyagoo kala howlgali jiray deegaanada Cowsweyne iyo Ceeldheer.
Dhanka kale, Cali Maqane & Axmed Cali Gadaf ayaa waxa ey dowladda sheegtay iney kala shaqeyn jireen soo qaadista xoolaha baada ah kuwaas oo ay kasoo qaadi jireen dadka masaakiinta ah ee kunool deegannada Cowsweyne iyo Ceeldheer iyagoo kamid ahaa odayaasha ey soo bandhigeen Al-Shabaab.
Is soo dhiibista labadan oday ee lashaqeyn jiray Al-Shabaab ayaa imaaneysa xili ey ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ey howlgalo kasameeyeen gudaha Ceeldheer kusoo qabteen sarkaal kasoo jeeday deegaankaasi.