SO | EN

SO | EN

Labo wiil oo mataano ah oo dhawaan dhashay oo lagu dilay duqeyn ka dhacday gudaha Isra’iil

|

Tel Aviv (KAAB TV) – Labo mataano ah oo dhawaan dhashay ayaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Qasa xilli aabbahood uu ku sugnaa xafiis dowladeed si uu u diiwaan geliyo dhalashadooda.

Sidoo kale, Asser, oo wiil ah iyo Ayssel, gabar ah, waxaykeliya jiraan afar maalmood markii aabbahood Maxamuud Cabdul-Qamsan uu u tagay inuu ka soo qaato warqadda dhalashada.

Dhanka kale, intii uu ku maqnaa soo sameynta warqada dhalashada, deriskiisa ayaa soo wacay oo u sheegay in gurigooda oo ku yaalla deegaanka Dayr Al-blax la duqeeyey.

Duqaynta, Maxamuud waxaa kale oo uu waayey xaaskiisa iyo carruurtiisa ayeeyadood.

“Ma garanayo waxa dhacay, waxaa la ii sheegay in madfac uu ku dhacay guriga,” ayuu yiri Abu Al-Qumsan. “Ma helin wakhti aan ugu dabaaldego dhalashadooda.”

Wasaaradda caafimaadka ee Qasa ayaa sheegtay in in 115 carruura oo ku dhashay ay dabadeed ku dhinteen dagaalada.

Ugudambeyn, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AP, qoyskan ayaa raacay amar ah in laga guuro magaalada Qasa toddobaadyadii dagaalka Israa’iil iyo Qasa, iyaga oo gabaad ka raadsaday qayb dhexe oo ka mid ah marinka dhulka, siday amreeny ciidamada Israa’iil.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News