SO | EN

SO | EN

Laftagareen: Digil iyo Mirifle waa inay madaxweyne Soomaaliyeed helaan

|

BAYDHABO (Kaab TV) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka hadlay doorashooyinka qof iyo cod ee muranka badan ku jiro, isagoo xusay in dadka Koonfur Galbeed oo ah dad tiro badan ay rabaan inay madaxdooda doortaan.

Wuxuu ka hadlay munaasabadda Toddobaadka Nabadda ee Koonfur Galbeed oo ka dhacay magaalada Baydhabo, halkaas oo lagu soo bandhigay waxqabadyo kala duwan oo isugu jira ciyaaro dhaqameed, bandhigga hiddaha iyo dhaqanka iyo waxyaabo kale.

Madaxweyne Laftagareen oo khudbad ka jeediyay kulanka furitaanka Toddobaadka Nabadda oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada wuxuu dadka ugu baaqay inay kaararka is-diiwaangelinta qaataan, ayna dadka ugu horreeyaan.

Wuxuu sheegay in muddo dheer dadka Koonfur Galbeed ay heli jireen kursiga Guddoomiye Baarlamaan ee Soomaaliya, balse haatan ay doonayaan inay halkaas ka gudbaan oo ay helaan Madaxweyne.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News