Baydhabo (KAAB ) Dr Maxamed Ibraahim Bilaal oo mid ah siyaasiinta deegaanada Koonfur – Galbeed ayaa maanta ka degay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Ujeedka safarka Dr Bilaal ee Baydhabo ayaa ah cusuumad uu ka helay Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen si ay uga hadlaan aayaha kursiga uu ku dhintay AUN Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow
Dr Maxamed Ibraahim Bilaal oo u taagan qabashada kursigaas ayaa wada- hadal Madaxtooyada koonfur Galbeed kula yeelan doono Madaxwaynaha Koonfur Galbeed Laftagareen.
Waxa lagu soo waramayaa in Dr Maxamed Ibraahim Bilaal uu diiday in maamulka Koonfur Galbeed laga siiyo xil wasiirnimo hase ahaatee uu codsaday in si daah furan loo qabto kursigaas oo beesha isla leh ay la doonayaan Dr Maxamed Ibraahim Bilaal.
Kulamadan Cabdicasiis Laftagareen iyo Dr Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa noqon doona kuwa inta badan diirada lagu saarayo , qodobo koonfur Galbeed ay wadato iyo kuwo isagan uu wato siyaasiga Dr Maxamed Ibraahim Bilaal.
Si kastaba Kulamo beesha iska leh kursigan ay yeesheen ayay ku sheegeen in Dr Maxamed Ibraahim Bilaal uu yahay shaqsiga keliya ee matali kara beeshas ee deegaan doorashadiisu ay tahay koonfur galbeed.