SO | EN

SO | EN

Laftagareen iyo Abdisalaan Abdi oo tababar usoo xiray ciidamoo loo tababaray Koonfur Galbeed

|

Beydhabo (KAAB TV) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Raisul Wasaare ku xigeenka Dalka Abdisalaan Abdi Ali iyo Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Cali Xoosh ayaa maanta magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Ciidamadan oo muddo 6 bilood ah tababar ku qaadanayay xerada Tababarka Ciidanka Itoobiya ee Magaalada Baydhabo ayaa qaatay tababaro kala duwan oo ciidan, kuwaas oo sare u qaadaya awoodda difaaca iyo sugidda amniga Deegannada maamulka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, Saraakiil iyo tababarayaal Itoobiyaan ah ayaa ciidankan siinayay tababarkan, mudadii uu socday waxaana ciidankan lagula dardaarmay in dadkooda iyo deegaankooda ugu adeegaan si daacadnimo leh.

Ciidankan tababarka loo soo xiray ayaa loo qorsheeyay in ay qeyb ka noqdaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab, waxa ayna ciidankan ka howlgali doonaan deegaannada maamulka Koonfur Galbeed uu ka arrimiyo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News