SO | EN

SO | EN

Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo magaalada Beydhabo dib ugu laabtay

|

Beydhabo (KAAB TV) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Magaalada Muqdisho ku sugnaa, ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Beydhabo ee Xarunta ku Meel Gaarka u ah Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka, Wasiiro, XIldhibaano, Guddoomiyaha Degmada Beydhabo, Saraakiisha Laamaha Amniga iyo Qeybaha kala Duwan Bulshada ayaa Wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Garoonka Diyaaradaha  Shaati-Gaduud ee Magaalada Beydhabo.

Dhanka kale, madaxweyne Laftagareen, ayaa maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ugu sugnaa ka qeybgalka shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee fashilka kusoo dhammaaday, kaddib markii shirkaasi isaga baxay Axmed Madoobe la iskuna fahmi waayay qodobadii lagu heshiin lahaa.

Ugudambeyn, Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, ayaa qoraal xalay uu soo saaray ku shaaciyay in shirka Golaha Wadatashiga Qaran dib la isugu soo laaban doono 26ka bishan, waxaana la filayaa in madaxda maamulada ee wali jooga Muqdisho dib ugu laabtaan deegaannadooda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News