SO | EN

SO | EN

Laftagareen oo ceyriyay qaar ka mid ah golaha wasiirada Koonfur Galbeed

|

BAYDHABO (KAAB TV) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Maxamed Xasan (Laftagareen) ayaa xilkii ka qaaday qaar ka mid ah golihisa wasiirada isagoo kuwo cusubna magacaabay, sida uu sheeaciyay afhayeenka maamulkaasi.

Cabdicasiis Laftagareen ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay 15 wasiir, wasiir ku xigeenno iyo wasiir dowlayaal.

Xubnaha la magacaabay waxaa ku jira qaar hore oo xilal kala duwan uga soo qabtay maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa isbedelkan uu imaanayaa xilli Koonfur Galbeed ay wajaheyso culeys kasoo foodsaaray dhanka kooxda Al-Shabaab oo toddobaadkii hore go’doomisay magaalada Baydhabo.

Wasiiradda lamagacaabay ayaa waxaa kamid ah:

1- Ibaraahin Aadan Cali Najax, oo horey u soo ahaa Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka ee Maamulka Koonfur Galbeed. 

2- Xasan Cabduqaadir Maxamed ayaa loo magacaabay wasiirka wasaaradda amniga ee maamulka Koonfur Galbeed.

3- Nasra Aweys Sheekh Xuseen ayaa noqoneysa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee maamulka Koonfur Galbeed.

4- Mustaf Axmed Iidow ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee maamulka Koonfur Galbeed.

5- Isaaq Cali Subag ayaa loo magacaabay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka maamulka Koonfur Galbeed.

6- Cali Sheekh Cabdullaahi (Cali Afgooye) ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka ee maamulka Koonfur Galbeed.

7- Maxamed Isaaq Ibraahim ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee maamulka Koonfur Galbeed.

8- Saciid Axmed Cali ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee maamulka  Koonfur Galbeed.

9- Cabdifitaax Maxamed Cali (Abroone) ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee maamulka Koonfur Galbeed.

10- Eng. Diini Cabdinuur Maxamed ayaa waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Bay’ada iyo Isbeddalka Cimilada ee maamulak Koonfur Galbeed.

11- Nuur Siidow Baaba ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafka ee maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiir ku Xigeenada la magacaabay waxay kala yihiin:

1- Maxamed Xuseen Xasan Cadaawe ayaa loo magacaabay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka ee Koonfur Galbeed.

2- Maxamed Qays Xasan Maxamed ayaa loo magacaabay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Koonfur Galbeed.

3- Cumar Daa’uud Khaliif ayaa loo magacaabay Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Koonfur Galbeed.

4- Dr. Maxmed Ibraahin Nuur ayaa waxaa loo magacaabay wasiir dowlaha madaxtooyada Koonfur Galbeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News