Baydhabo (Kaab TV) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta magaalada Baydhabo ka furay shirka maamullada gobollada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed.
Shirkan oo looga hadli doono nabadgeliyada, xasilinta iyo dhanka hormarinta ayaa waxaa kasoo qeybgalay guddoomiyaasha gobollada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool oo ay wehlinayaan qaar ka mid ah maamullda degmooyinka saddexda gobol.
Laftagareen ayaa sheegay inay mucjisooyinka ay ka mid tahay in mas’uuliyiinta heer degmo iyo heer gobol aan lala xisaabtamin.
“Waa inaan helno warbixin joogto ah oo saaka wixii ay ku waabariisatay Marka Xudur, Bardaale. Waa inaan heli karno,” ayuu yiri Laftagareen.
Danta gaarka ah
Madaxweyne Laftagareen oo ka hadlay baahiyaha bani’aadannimo ee jirta ayaa ka digay in maamullada ay hor istaagaan hay’adaha samafalka. Wuxuuna sheegay inaysan jiri karin cid email ka qori karta ama shaqada ka joojin karta hay’adaha samafalka.
“Inta hay’ad email loo qoro oo shaqada looga joojinaayo qoro, waa lagula xisaabtamayaa. Naga mid ma aha,” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa ku dhaliilay qaar ka mid ah maamullada degmooyinka inay caqabad ku noqdaan hay’adaha gargaarka ee doonaya inay dadka dhibaateysan ay caawiyaan.
Guddoomiyaha Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa isaguna ka warbixiyay xaaladda amniga ee gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo sheegay in dhowaan la rajeynayo in hawlgalo amni laga fuliyo deegaanada ay weli joogaan al-Shabaab.