SO | EN

SO | EN

Laftagareen oo kulan wax badan looga hadlay laqaatay madaxa Hay’adda MSF Tammaam Aloudat

|

BEYDHABO (KAAB TV) – Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Cabdicasiis Maxamed Laftagareen ayaa maanta madaxtooyada maamulka Koonfur galbeed kuqaabilya madax ugu sareeya hay’adda MSF Tammaam Aloudat.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay sidii loo horumarin lahaa mashaariicyada ay hay’adda MSF kafuliso deegaannada maamulka koonfur galbeed iyo dhinacyada adeegyada caafimaadka.

Dhanka kale, wada hadalka kulankan ayaa waxa uu kuqotamay sidii looga qeyb qaadan lahaa u gar-gaarida dadka barakacayaasha iyo sidii xooga loosaari lahaa mashaariicda horumarineed ay hay’adda kafuliso deegaannada maamulkaasi.

Ugudambeyn, dadka ku dhaqan deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa la daalaadhacaya dhibaatooyin badan oo dhinaca nolosha ah, waxa ay sidoo kale dadka Koonfur Galbeed wali kasoo kaban dhibaatadii ka dhalatay roobabkii sannadkii hore da’ay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News