Nairobi (KAAB TV) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Safar shaqo ku jooga Magaalada Narobia ee Caasimada Dalka Kenya ayaa kulan la qaatay Danjiraha dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern.
Sidoo kale, Laftagareen iyo Danjire Joachim ayaa kulankooda kaga wada hadlay Xoojinta Wada shaqaynta Safaarada Sweden iyo dowladda Koonfur Galbeed, taageerida wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhan ah Al Shabaab.
Dhanka kale, Labada masuul ayaa sidoo kale kulankooda uga wada hadla xoojinta mashaariicda horumarineed iyo taageerada bini’aadanimo ee dowladda Sweden ku taageereyso dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo wakiillo kale oo katirsan beesha caalamka, kuwaa uu kala hadlayo xaalada deegaannada Koonfur Galbeed.