Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Laftagareen oo Muqdisho ku soo laabtay xilli uu buuq ka jiro xisbiga Xasan Sheekh

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho maalmo ka bacdi markii uu isaga tagay iyadoo uu taagan yahay isfahamwaa ku saabsan xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud.

Laftagareen oo Muqdisho u yimid shirkii Madasha ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa madaxda dowlad gobolleedyada ee lagu soo daray xisbiga Xasan Sheekh Maxamuud ee UPD oo hadda loo badalay magaca cusub ee “Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka”.

Waxaa jiray khilaaf ka taagan magac bixinta xisbiga iyo xubnaha ka mid noqonaya xisbiga sida loo qeybsanaayo.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ka biya diiday in xisbigan ay ku jiraan xubno isaga mucaarad ku ah, kuwaasoo kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Waxaana uu Laftagareen ka safray Muqdisho toddobaadkii hore.

Hadda waxaa la xaqiijiyay inuu dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Ilo wareed ku dhow madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Kaab TV u sheegay in Madaxweyne Laftagareen uu ka qeyb gali doono munaasabadda shaacinta magaca cusub ee xisbiga “Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka”.

Ma cadda in Laftagareen laga qanciyay waxyaabihii uu markii hore ku diiday ku biirista xisbiga.

Tusaale waxaa hadda xisbigan xoghaye ka ahaa Xuseen Sheekh Maxamuud oo ahaa agaasimihii hore ee Villa Soomaaliya, ahna musharrax doonaya kursiga madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Waxaa sidoo kale xisbigan dhowaan lagu soo daray afhayeenka baarlamaanka, Sheekh Aadan Madoobe oo isaguna ay ishayaan madaxweyne Laftagareen.

Waxaase arrinta xiisaha leh ay tahay in dib u soo laabashada Madaxweyne Laftagareen ay timid labo maalin ka dib markii uu wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed, Maxamed Ibraahim Bilaal, uu ku eedeeyay xubno ku sugan Muqdisho inay wadaan dhaqdhaqaaq uu ku sifeeyay mid hubeysan oo ka dhan ah maamulka Koonfur Galbeed.

Xisbiga la sheegay inuu mucaarad ku yahay maamulka Laftagareen oo fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminaya siyaasiga Maxamed Aadan Farkeeti oo horey usoo noqday wasiirka maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya, haddana xiriir dhow oo siyaasadeed kala dhexeeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ma cadda in Laftagareen uu ku yimid cadaadis ah in Muqdisho laga taageeri doono mucaaradkiisa haddii uu u dabci waayo rabitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo inuu si iskiis ah dib ugu soo laabtay oo uu ku qancay ka mid noqoshada xisbiga Xasan Sheekh.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News