GAROWE (KAAB TV) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta sheegay inuu maagan yahay in dadka reer Koonfur Galbeed ay isaga dib u dooran doonaan.
Laftagareen oo maanta ka hadlay xafladda caleema-saarka ee madaxweyne Siciid Deni oo Garowe ka dhacday ayaa sheegay inuu rajeynayo in dadka Koonfur Galbeed ay wax ka baran doonaan kuwa Puntland.
Mar uu ka hadlay khilaafka u dhexeeya maamul gobolleedyada iyo dowladda federaalka, ayuu sheegay in shan sano ka hor sidan u taagnaa khilaafka illaa haddana wax xal ah aan loo helin.