Lataliyaha Madaxweynaha Somaliya Oo Si Adag Uga Hadlay Maqnaanshaha madaxweynaha Puntland Ee Wada Hadalada Dastuurka.

|

MUQDISHO (KAAB TV) – La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Arrimaha Dastuurka, Xuseen Sheekh Maxamuud, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland, Saciid C/llaahi Deni, inuu uga baaqday miiska wada-hadallada, sababo la xiriira dano siyaasadeed oo isaga u gaar ah.

Lataliyaha oo wareysi siiyay mid ka mid ah Telefishinada maxaliga ah ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaanada Puntland ee ku jira baarlamaanka federaalka ay u codeeyeen in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka dalka, isagoo xusay in madaxweyne Deni uu u muuqdo midka kaliya ee kasoo horjeeda isbedeladaas.

“Ninka gacanta ku qoray magacyada 60-ka xildhibaan… ma dhihi karo dowladda anigaa idinka aqoon badan, ma maqasheen cid Puntland ka tirsan oo baarlamaanka federaalka ah oo diidan wax ka bedelka dastuurka?” ayuu yiri Xuseen Sheekh Maxamuud.
Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa ku nuux-nuux saday in labada aqal ee baarlamaanka ay awood u leeyihiin dastuurka, wuxuuna ku booriyay dowlad goboleedyada inay ku kalsoonaadaan xildhibaanada ay u soo direen inay ku matalaan baarlamaanka federaalka.

Bishii Maarso, labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen afar cutub oo ka mid ah dastuurkooda, oo ay ku jiraan xorriyadda hadalka, matalaadda haweenka, iyo nidaamka hoggaanka.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Puntland, Madaxweynayaashii hore ee Somalia, Farmaajo iyo Sheekh Shariif, iyo siyaasiyiin kale ayaa ka soo horjeestay tallaabadii baarlamaanka ee wax ka bedelka dastuurka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News