MUQDISHO (Kaab TV) – Maalin kasta, kumanaan qof ayaa u dalxiis iyo damaashaad taga xeebta Liido ee degmada Cabdi Casiis, magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka yimaada gudaha iyo bannaanka magaalada.
Dadka halkaas isugu yimaada ayaa u badan dhalinyaro jecel inay waqti ku qaataan xeebta, inkastoo ay mararka qaar khatar la kulmaan.
2-dii Agoosto 2024, qarax argagixiso oo ka dhacay xeebta Liido ayaa sababay dhimashada dhalinyaro Soomaaliyeed oo halkaas u joogay dalxiis. Weerarkaas wuxuu ka mid ahaa taxane weerarro ah oo ay Al-Shabaab ka fulisay hotelada ku yaalla xeebta, halkaas oo dhalinyaradu ku qaataan waqtiyada nasashada, gaar ahaan maalmaha fasaxa ee Jimcaha.
Hase yeeshee, weerarradaas ma aysan hakinin shacabka inay u dalxiis tagaan xeebta.
Maxamed Codey, oo ka mid ah dhalinyarada xeebta ku nasaneysa, ayaa Kaab TV u sheegay inuu jecel yahay jawiga daggan ee xeebta, uuna ku raaxeysto dabaasha.
“Waxaan jeclahay inaan markasta imaado xeebta. Jawigu wuu daggan yahay, waana iska baashaalaynaa,” ayuu yiri.
Cabdifataax Maxamuud Aadan, oo aan kula kulmay xeebta isagoo ku lebisan dhar isboorti oo leh calanka buluugga ah ee Soomaaliya, ayaa sheegay in joogitaanka xeebtu dareensiiso quruxda iyo hodantinimada xeebaha Soomaaliyeed.
Fursad ganacsi
“Dadku waxay yimaadaan xeebta maalin kasta, waan ku dalxiisnaa. Haweenku xitaa waxay joogaan ilaa 2:00am, mana jirto wax dhibaato ah. Dadka waxaan leeyahay: ha idin muuqato xeebtiina! Soomaali badan ayaa u tahriibta Yemen, laakiin halkan ayaa ka qurux badan,” ayuu yiri Cabdifataax.
Xeebta Liido ma aha oo kaliya meel lagu nasto, balse sidoo kale waa fursad ay dhalinyaradu ku helaan madadaalo, sida ciyaaraha kubadda cagta oo ay garoon uga dhigtaan marka hirarku gadaal u noqdaan. Dhinaca kale, waxay noqotay fursad ganacsi oo ay ka faa’iidaystaan dad badan oo hal-abuur leh, gaar ahaan kuwa danyarta ah.
Faadumo Cali Cilmi ayaa fursad ganacsi ka samaysay xeebta, iyadoo halkaas ku leh dukaan lagu iibiyo shaaha.
Waxay sidoo kale kireysaa jaakadaha badbaadada ee loogu talagalay dadka doonaya inay dabaashaan, inkastoo aysan jirin koox si gaar ah ugu xilsaaran badbaadinta dadka dabaalanaya 24-saac.
“Aniga shaqadan ayaan carruurteyda ka biiliyaa. Waxaan u diraa iskuul. Wax dhibaato ah ma arko,” ayey tiri Faadumo, oo mararka qaar ay caawiyaan carruurteeda markay iskuulka ka soo laabtaan.
Sidoo kale, Cali oo doomaha kireeya ayaa sheegay inuu sii waday shaqadiisa xitaa markii ay weeraradu dheceen.
“Dhallinyarada ayaa noo yimaada. Waa sidii boosteejada camal. Waxaan ku kireynaa doomaha $2, $3 iwm. Waa suuq fiican,” ayuu yiri Cali.
Xeebta Liido ayaa weli ah meel ay dadka reer Muqdisho u arkaan goob nabadeed oo ay kaga nasan karaan duruufaha nololeed, inkasta oo ay mararka qaar bartilmaameed u noqoto weerarro argagixiso.
Adkeysiga shacabka Muqdisho ayaa si cad u muujinaya sida aysan ugu ogolaan doonin kooxaha xagjirka ah inay ka hor istaagaan xorriyaddooda ay u leeyihiin nolol caadi ah iyo in ay helaan waqti nasasho iyo farxad leh.