SO | EN

SO | EN

Liiska xildhibaannada maamulka Waqooyi Bari oo lagu dhawaaqay

|

Laascaanood (KAAB TV) – Waxaa maanta lagu dhawaaqay liiska xidhibaannada cusub ee baarlamaanka dowlad goboleedka Waqooyi Bari oo muddooyinkii ugudambeeyay lagu guda jiray soo dhisida xildhibaannadooda, maadaama maamul cusub ay yeesheen gobollada Sool, Sanaag iyo Tohdheer.

Sidoo kale, liiska xildhibaannada lashaaciyay ayaa ka kooban illaa 83 mudane oo loo qeybiyay beelaha ku midoobay maamulkan, waxaana ka mid noqday 4 gabdhood, halka 79 kalena ay yihiin rag, sida ka muuqato iiska 37 kamid ah xildhibaannada waxaa laga soo xulay Sanaag, halka Sool laga keenay 30 Mudane, sidoo kale 16 ayaa waxaa laga keenay gobolka Togdheer.
Dhanka kale, waxaa lafilayaa in maalmaha soo aadan la guda galo howlaha kale ee maamulka, waxaana ugu horreeyo doorashada guud oo dhawaan ka dhaceysa gudaha magaalada Laascaanood, taas oo ay ku hardami doonaan musharixiin uu kamid yahay hoggaamiyaha hadda talada haya Cabdulqaadir Firdhiye, oo tan iyo markii Laascaanood ka xurrowday Soomaaliland inteeda kale, hoggaaminaayay.
Si kastaba, dhismaha maamulkan cusub waa arrin ka dhalatay dagaal muddo badan socday oo uu dhiig badan ku daatay, kaddib markii magaalada Laascaanood uu ka bilowday halgan looga soo horjeedo dilal magaalada loogu geysan jiray waxgaradkii deegaanka, taas oo ugudambeyn isugu badashay, halgan hubeysan, iyadoona ugudambeyn halka ay maanta Joogto maamulka Waqooyi Bari keentay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News