MQUDISHO (KAAB TV) Loolanka loogu jiro in gobolka Bariga Afrika uu ka soo baxo guddoomiyaha cusub ee ururka Midowga Afrika (AUC) ayaa weli sii xoogeysanaya iyadoo musharrax saddexaad uu soo baxay hada.
Jabuuti waxa ay la safteen wasiirkooda arrimaha dibadda Maxamuud Yuusuf oo ah musharaxooda, iyaga oo kalsooni ka muujiyay inuu u qalmo inuu kursiga ku fadhiisto.
“Iyadoo muddo ka badan labaatan sano oo waayo-aragnimo ah uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkiisa, oo ah hoyga nabada ee lagu kala garto raadinta joogtada ah ee xallinta khilaafaadka ee wadahadal iyo gorgortan, Mr.
Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu leeyahay dhammaan tayada uu ku dabooli karo rajada iyo danaha qaaradda. Waxa uu si fiican ugu hadlaa luuqadaha Faransiiska, Ingiriiska iyo Carabiga,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay dowladda jabuuti .
Soo gelitaanka Youssouf ee tartanka waxa ay halis gelinaysaa Raila Odinga ee Kenya.
Sidoo kale waxaa tartanka ku jirta ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, haddana ah xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya Fowsiya Yuusuf.
Bishii hore, Golaha Fulinta ee Midowga Afrika ayaa ansixiyay go’aanka ah in Bariga Afrika ay soo saaraan guddoomiyaha xiga ee ku-xigeenka ee laga soo dooranayo Waqooyiga Afrika.
Doorashada lagu doonayo in lagu helo qofka ku xiga ee jagada ugu sareeya Midowga Afrika ayaa dhici doona 2025-ka iyada oo Chad Moussa Faki, guddoomiyaha hadda, uu ka bixi doono ka dib laba xilli oo uu xilka hayo.
Ilaa hadda Odinga waxa uu taageero ka helay 8 madaxweyne oo ay ka mid yihiin Kenya William Ruto, Paul Kagame (Rwanda) iyo Yoweri Museveni (Uganda).
Hogaamiyayaasha kale, sida uu sheegay Odinga mar uu khudbadii hore jeediyay waxaa ka mid ah “Mama Suluhu waxay tiri way i taageeri doontaa, Salva Kiir waa uu aqbalay. Maalin dhaweyd oo aan la joogay Ramaphosa, wuxuu iyiri haa, Tshisekedi wuxuu yiri haa.”
Madaxweynaha Ghana Nana Addo Dankwa Akufo-Addo ayaa sidoo kale taageeray Kenya.