BEYRUUT (KAAB TV) – Dowladda Lubnaan ayaa wasiirka arrimaha dibadda ku amartay in uu ka codsado Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in uu codeeyo qaraar dalbanaya in si degdeg ah iyo si buuxda loo joojiyo dagaalka.
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Najib Miqati, ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay fulinta buuxda ee qaraarka Qaramada Midoobay ee 1701, kaas oo dhammeeyay dagaalkii 2006 ee u dhaxeeyay Israa’iil iyo Hezbollah.
Wuxuu sheegay in dowladda ay diyaar u tahay in ay ciidanka Lubnaan u dirto deegaannada xuduudda ee koonfurta Lubnaan.
Markii laga wareystay mowqifka Hezbollah arrintan ku saabsan, Miqati wuxuu sheegay in ay qayb ka yihiin dowladda, ayna ku heshiiyeen fulinta qaraarka 1701.
Inkastoo Miqati uu ka hadlay xalal diblomaasiyadeed, gudaha Beyruut waxaa ka jirta dareen ah in Israa’iil aysan joojin weerarada ay ku hayso dalka, kuwaas oo ugu dambeeyay shalay ay duqeymo la beegsatay caasimadda Beyruut.
Shalay oo kaliya waxaa dhintay 22 qof iyo in ka badan 100 dhaawac ah. Dhammaantood waa dad rayid ah.
Mas’uuliyiinta Lubnaan iyo kuwa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xaalad bani’aadannimo oo qalafsan ay soo wajahday dadka reer Lubnaan, waxayna sheegayaan in tirada dhimashada iyo dhaawaca ay sii kordhayaan maalin kasta.
Madaxa UNICEF ee Lubnaan, Ettie Higgins ayaa sheegtay in duqeymaha Israa’iil ay ku soo dheceen meel 1km u jirta xafiiska hay’adda UNICEF ee Beyruut.
Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in dad gaaraya 2,169 ay dhinteen tan iyo markii duqeymaha Israa’iil ay bilawdeen.