MUQDISHO (Kaab TV) – Waxaa xalay dalka Mareykanka ku geeriyooday AUN Maamo Luul Jeylaani Cali oo ka mid ahayd fannaaniinta ugu taariikhda dheer fanka Soomaaliyeed iyo kan Banaadiriga.
Luul oo ku nooleyd gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa dhowaanahan ku xannuunsanaysay isbitaal ku yaalla Minneapolis.
Waxaan halkan ku soo gudbineynaa mid ka mid ah heeseheedii ugu macaanaa oo Banaadiri ah, waana heesta ‘Gallad’.
Nin gallay god ku soo abuurtayee,
Gu’ kusoo da’aayo waa goosan karaa,
Masoo gafee,
In la igu garaabo aa gudboonee.
—
Gallad ii gashayaan gadaal uraacayee,
Gar ma igu ehee inaan ku gooyaa.
—
Gooryaal badanaa guhaadsanaa,
Oo guurguurahaayay gaarkaaga,
An waa kuu soo go’ee Iga gaar gacantaadiiyaan galayee.
—
Gallad ii gashayaan gadaal uraacayee,
Gar ma igu ehee inaan ku gooyaa.