SO | EN

SO | EN

MA JIRTO MEEL LAGU HAKADO: Biyo Yaraanta oo Saameysay Dadka Koonfur Galbeed

|

BAYDHABO (Kaab TV) – Biyo yaraanta waa xaalad ka dhalata marka baahida biyaha ay ka badato helitaankooda, taasoo saameyn ku yeelata nolosha dadka, xoolaha, iyo deegaanka.

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (KGS) ayaa dhawaan shaacisay in biyo yari ba’an ay ka taagan tahay deegaano dhowr ah oo ka tirsan maamulka, taasoo sii xoojisay dhibaatooyinka nololeed ee dadka deegaanka.

Agaasimaha Waaxda Biyaha ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee KGS, Liibaan Awqaliifa, ayaa Kaab TV u sheegay in wasaaraddu sameysay cilmi-baaris rasmi ah oo lagu xaqiijiyay heerka biyo yaraanta ee ka taagan gobollada Koonfur Galbeed.

“Deegaanada ugu daran waxaa ka mid ah Aato iyo Rabdhuure ee gobolka Bakool, halkaas oo dadka ay biyaha u doontaan dhinaca Itoobiya. Sidoo kale, magaalada Diinsoor gudaheeda waxaa ka taagan biyo la’aan. Wanla Weyn waxay leedahay ceelal, balse biyaha waa fog yihiin, halka degmada Xudur ay sidoo kale la daalaa-dhacayso biyo yaraanta,” ayuu yiri Liibaan.

DAAWO: Biyo yaraan halis ku heysa nolosha dadka iyo xoolaha Koonfur Galbeed

Biyo yaraantu waxay si gaar ah u saameysay beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada, iyadoo hoos u dhigtay wax-soo-saarka beeraha iyo caafimaadka xoolaha, taasoo keentay dakhli yaraan iyo saboolnimo. Dhibaatooyinka ka dhashay biyo la’aanta ayaa qoysas badan ku khasbay inay ka barakacaan deegaannadooda, iyagoo raadinaya biyo iyo daaq.

Qoysas Barakacay iyo Xaalado Nololeed oo Adag

Nuuney Qaadi Eedin, oo ka soo barakacday deegaanka Moolmaad ee hoos taga 20-Jirow, ayaa sheegtay in ay qoyskeeda uga soo carartay biyo yaraanta ka jirta deegaankaas.

“Hadda waxaan joognaa mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee duleedka Baydhabo. Waxaan halkan nimid 10 maalmood ka hor, anagoo safar ku soo jirnay 7 maalmood. Wax beero ah ma hayno, lacagna ma hayno. Horay waxaan u tacban jirnay digir iyo mesego,” ayay tiri Nuuney.

Sidoo kale, Xabiibo Suubow Sugow, oo ka timid deegaanka Bey Gaduud, ayaa hadda ku nool xeryaha barakacayaasha ee Baydhabo. Waxay sheegtay in ay magaalada joogtay 15 maalmood, kaddib markii ay uga soo barakacday biyo la’aan iyo cunto yari.

“Carruur ayaan wataa, cid aan ku tiirsana ma jirto,” ayay tiri Xabiibo, oo Kaab TV u sheegtay in ay dhibaato badan kala kulantay biyo la’aanta iyo xaaladaha nololeed ee adag.

Soomaaliya waxa ay la kulantaa isbedelo cimiladeed oo sababa abaaro soo noqnoqda iyo roobab aan ku filnayn, taasoo si weyn u yaraysa helitaanka biyaha nadiifka ah. Xaaladdan sii xumaanaysa ayaa sare u qaaday baahida gurmad bini’aadannimo, iyadoo dadka deegaanka ay codsanayaan in gargaar degdeg ah loo fidiyo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News