Muqdisho (KAAB TV) – Madaxweyne Donald Trump ayaa Jimcihii sheegay inuu darsayo qorshe ay suurtagal ku tahay in jamhuuriyadda gooni-isu-taagga ah ee Somaliland ay ku qaabisho Falastiiniyiin ka barakacay Marinka Gaza, kaasi oo shuruud ay uga dhigtay in Mareykanku uu aqoonsi rasmi ah siiyo Somaliland.
In kasta oo Trump uu xaqiijiyay in la eegayo arrinta Somaliland iyo Gaza, haddana kama uusan hadlin qodobka xasaasiga ah ee diblomaasiyadeed ee aqoonsiga, kaasoo gebi ahaanba beddeli lahaa wejiga siyaasadda arrimaha dibedda ee Mareykanka ee Geeska Afrika, ee soo jirtay tobannaan sano.
“Arrintaas hadda waan eegaynaa,” ayuu Trump ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad. “Dhab ahaantii waa su’aal wanaagsan, waana arrin kale oo cakiran, sidaad la socotaan. Laakiin hadda waan ka shaqeyneynaa arrintaas – Somaliland.”

