Carmo (KAAB TV) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Carmo ayaa tababar u xiray Cutubyo cusub oo ka mid noqon doona Ciidanka Booliska Puntland.
Sidoo kale, madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Ciidanka tababarka dhameystay oo maanta lagu dhaariyay fagaarihii Xafladda xiritaanka tababarka, wuxuuna u rajeeyay in ay noqdaan kuwo wixii aqoon ah ee la baray ku anfaca dalkooda iyo dadkooda. Isagoo xusay sida Dowladda Puntland uga go’antahay dhismaha Ciidamada, Amniga iyo Ciribtirka Argagixisada.

