Waa 15ka bisha May, maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed — waa maalintii la aasaasay ururkii SYL (Somali Youth League). Laakiin sannadkan, xusuustaas waxaa la socota kacdoon dadweyne oo siddeed bilood qaatay, kuna fiday magaalooyinka koonfurta Soomaaliya. Bishii hore ayay xubnihii rijiimka maafiyada mid mid u kala carareen.
Waddooyinka Muqdisho dadku maalin iyo habeenba way buuxaan. Farxadda iyo reyn-reynta lama qiyaasi karo. Dadweynaha oo ay horkacayaan dhallinyarada, haweenka, iyo darawallada bajaajta ayaa meel kasta si toos ah uga baahinaya warbaahinta bulshada.
Markii duulimaad toos ah la waayay, ayay saxaafadda caalamiga ah ka soo safreen Nairobi iyo meelo kale — qaar dhulka soo jeexa iyo qaar diyaarado kiro ah ku yimid ayay noqdeen si ay uga warbixiyaan dhacdooyinkan taariikhiga ah ee Geeska Afrika.
Saaka waxay dadkii ugu badnaa isugu soo bexeen waddada #Balcad. Hoggaamiyihii rijiimka maafiyada ayaa laga soo saaray god uu ku dhuumanayey. Dhallinyaro lo’ley ah ayaa markii hore arkay godka, kadibna wargeliyay kacdoonka dadweynaha.
God labo mitir hoos u qodan, oo geed weyn hoostiisa ku yaalla ayuu ku dhuumamaaleysanay. Jirifta jirkiisa saaran, timaha garka iyo madaxa ee sida cawskii ugu baxay ee haddana isku marmay, waxaa ka daran qurmuunka kasoo baxaaya jirkiisa. Bidaarta sida foolxumada ugu baahday, iyo karka huurada ilkihiisa saaran looma dulqaadan karo. Waase mucjiso Alle. Halkan ayuu ku jiray labadii toddobaad ee la soo dhaafay, mana uusan helin biyo uu ku qubeysto iyo dhar uu ku bedesho toona.
Markii kacdoonka dadweynuhu la wareegeen xaafadaha caasimadda, ayuu isku dayay inuu abaabulo maleeshiyo uu taliye u yahay wiil uu adeer u yahay oo hubka iyo rasaasta u qaabilsanaa. Carruurtiisii iyo xaasaskii way ka kala carareen oo in dhoweydba khilaaf reeraha u dhexeeya oo qandaraasyo dakhli badan leh ka bilawday ayaa duqa iyo naagihiisa kala geeyay, carruurtiina kula kala irdhoodeen. In dhoweydba samaan ma jirin oo waatii mid ka mid ah naaguhu nabarkii weynaa kala heshey garabka bidix kaa oo sababay inuu qaliin u aado Dubai October 2023.
Intaas kaliya kuma ekeyn, ee waxaa jiray shakiyo la xiriira in xubno reerka ka tirsan ay qeyb ka ahaayeen shirqool odayga ka dhan ahaa oo mar iyo labo jeer uu ku sigtay. Sidaas oo ay tahay arrimahan aadbaa loo qariyay haddii kale mucaaradka iyo saxaafadda “belada ah” ayaa fursad ka dhigan lahayd.
U soo bixidiisii Balcad, markii hore waxay u ekeyd dib u gurasho xeelad dagaal, si uu u abaabulo ciidamo rijiimkiisa difaaca, dibna ugu celiya Villa Somalia. qasrigii Villada Wardhiigley illaa jidkii Ceelgaabta waxaa qabsaday dhallinyarada kacdoonka; heesaha xorriyadda, gawaarida hoonka bii-baa-da heysa, dumarka ala-laasaya iyo wiilasha Tiktokleyda ayaa xagga iyo xagga isu dhaaf-dhaafaya! Waa muuqaal dib noo xusuusiyay bilawgii kacdoonkii barakeysnaa ee Gaugii Carabta ee afka ciidda u daray mujrimkii Zeynal Caabidiinkii Tunisiya, magafihii Xusni Mubaarikii Masar, dhiigyo-cabkii Liibya ee Qadaafi ee uu ugu dambeeyay dad-qalkii Bishaar al-Asad ee Suuriya.
Markii hore wuxuu doonay inuu hab qabiil ku abaabulo dadweynaha miyiga Balcad, hase ahaatee taa ma suuroobin, oo reer Balcad ayaaba taageeray kacdoonka dadweynaha.
Hadda labo wiil oo dhuu-dhuuban ayaa tunka ku dheggan hoggaamiyihii xisbigii weynaa.
Wiilasha waxaa daba taagan, oo qeylo iyo baroor hoogeyda heysa haweeney da’da 40-naadka oo ciil iyo caro afka ku ubrineysa. Waxay leedahay “hooyo ii dhiiba aniga, aan dhiigga ka cabo e!” Waa haweeney ka mid ahayd hooyooyinkii sida qasab ah guryihii ay ka deganaayeen xaafadda Carwada Taleex looga barakiciyay.
Galabta waxaa noo madlan ku dhawaaqista maxkamad dadweyne oo ah tii ugu horreysay nooceeda. Waa maxkamad ay dadweynuhu ka yihiin garsoorayaal, xeer-beegti iyo dacwad-oogayaal. Waa maxkamad qaadeysa dhammaan tacaddiyadii laga galay dadka iyo dalka. Fadhigeedu ugu horreeya ayaase noqon doona 26ka Juun oo ah maalinka xorriyadda, ahna maalinkii la afduubtay halyeeyadii Ikraan Tahliil.
Doodda ugu weyn waa goobta lagu qaadi doono iyo fagaare ku habboon maxkamaddan aadka u culus. Mar waxaa lasoo jeediyay in maxkamadda fadhigeedu noqdo teendhada Afisyooni maadaama ay ku taallo barxad weyn oo la teendheyn karo si deg deg ah.
W/Q: Abdalle Ahmed Mumin