MUQDISHO – Dumarka Soomaaliyeed oo ah halbowlaha bulshada dhan walba kana mid ah berimageedada ayaan weli gaarin hiigsiga ay haweenka ku taamayeen oo ah helitaanka xuquuq la mid ah midda ay qeybaha kale ee bulshada helaan. Waxaana taasi kaba sii daran tacaddiyada rabshadda ah ee haweenka loo geysanaayo iyo dhibaatooyin ka dhashay colaadaha ayaa sare u sii kacay.
Maalinta Caalamiga ee 8da Maarso oo adduunka oo dhan laga xuso kaalinta haweenka waxay sannadkan dumarka Soomaaliyeed xusayaan iyadoo dhacdooyin dilal iyo rabshado kala duwan ay wajaheen gabdho iyo hooyooyin ku kala nool gudaha dalka.
Dilalkii arxan darrida ahaa ee Luul Cabdicasiis oo lagu dilay Muqdisho 26kii Jannaayo – oo ninkii dilay ay Maxkamadduu xukuntay Arbacadii-, iyo Fowsiyo Muxsin Maxamed oo ka dhacay Qoryooley bilawgii bisha Febraayo, iyo dhacdadii lagu badbaadiyay haweeney saddexaad oo ku nool degmada Afgooye waxay dhammaantood ahaayeen kuwo na xusuusinaya heerka ba’an ee rabshadaha ka dhanka ah haweenka ee dalka ka jira, iyo sida aysan u jirin nidaam ka hortag oo badbaadin kara haweenka la kulma rabshadda qoyska.
Intaas kuma eka, weerarada kufsiga ee ka dhanka ah gabdhaha ayaa sii socda, iyadoo dhacdooyinka ugu xannuunka badan ay ahayd dhacdadii lagu kufsaday gabar 13 jir ah oo ku nooleyd xero barakac oo ku taalla magaalada Garowe.
Sida ay warinayaan kooxaha caalamiga, muddadii u dhexeysay 23 Agoosto 2022 ilaa Febraayo 2023, siddeed dhacdo oo saameeyay lix dumar ah, gabar 7 jir ah iyo mid 14 jir ah ayaa laga diiwaangaloyay bartamaha iyo koonfurta dalka oo ay ku jirto Puntland.
Dhibaatooyinkaas loo geysto haweenka iyo dadka kale ee nugul, inta badan ma dhacdo in sharciga la mariyo dadka dhibaatada geysta taaso sababta inay soo noqnoqdaan xadgudubyadaas, waxayna taasi sababtaa inay haween u badan kuwa barakacayaasha ay ku dhiirran waayaan sheegista kuwa dambiga ka gala.
Siyaasadda Iyo hoggaanka
Haweenka ayaa weli loo arkaa inay yihiin guri joog, ay tahay inay carruurta ilaaliyaan, isla markaana ku hawlan shaqooyinka guriga. Tan waa mid ku saleysan aragti qadiimi ah oo raad xun ku yeelatay waxtarnimada iyo wax-soo-saarkii haweenku ku yeelan lahaayeen bulshada.
Dumarka ayaa sidoo kale u baahan inay ka gudbaan faquuq jinsi ku salaysan oo ay kala kulmaan goobahooda shaqada, siyaasadda ku salaysan qabiilka ee mudnaanta siisa ragga, iyo tacaddiyada qotada dheer ay loo geysto haweenka.
Waxaa weli hooseeya kaalinta haweenka ee ka qeybgalka siyaasadda. Waxaana taasi tusaale ugu filan in 26% ay yihiin haweenka ku jira marka la isku daro labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Ballanqaadyadii hore loo sameeyay ayaase ahaa in dumarku ay helaan qoondo illaa 30%.
Doorka odayaal beeleedka oo weli awood ku leh habka xulista xildhibaannada, laaluushka saameeyay siyaasadda Soomaalida iyo tas-hiilaadka ay heli karaan dumarka oo aan jirin ama yar ayaana ah caqabad kale oo weli ku hor gudban kaalinta dumarka Soomaaliyeed ee ka qeybgalka siyaasadda.
Haweenka Puntland ayaa dhowaan sheegay in musharixiinta dumarka ahaa ee u tartamay kuraasta barlamaanka Dowladda Puntland ee 2024 laga reebay tartanka ka dib markii odayaal beeleedka ay aqbali waayeen inay liiska ku daraan. Hadda barlamaanka Puntland oo ka kooban 66 waxaa ku jirta hal dumar oo kaliya.
Kordhinta awoodda dumarka ee dhanka dhaqaalaha, aqoonta iyo wacyiga iyo gaarista doorasho qof iyo cod ayaase laga yaabaa inay caqabadahan xal waara u noqoto, sida ay noo sheegeen haweenka kala duwan ee aan la sheekeysanay.
Haweenka iyo warbaahinta
Inkastoo tiro badan oo gabdho ay ku soo biiraan xarumaha warbaahinta, ayna jiraan tababarro joogto ah oo lagu kobciyo xirfadda gabdhaha saxafiyiinta, haddana waxaa weli hooseeya kaalinta hoggaamineed ee dumarku ka gaareen xarumaha warbaahinta ee dalka.
badi haweenka ka qeybqaatay tababarrada Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) ayaa noo sheegay in ay tahay inay isku barbar wadaan shaqada guriga ee hooyanimo, tii xarunta warbaahinta oo ay u sii dheer tahay cadaadiska qoyska iyo bulshada kaga imaanaya ee ku saleysan liidista ama faquuqa.
Tani waxay muujineysaa sida ay muhiimka u tahay dhisidda wacyiga guud ee bulshada ee ku aaddan kaalinta haweenka saxafiyiinta, oo ay ku jirto in waalidiinta laftooda ay fahmaan kaalinta shaqo ee ay qaataan gabdhaha ka shaqeeya warbaahinta, iyo in la kordhiyo tas-hiilaadka ay heli karaan haweenka ka hawlgala warbaahinta madaxa-bannaan.
Caqabadda ku hor gudban dhisidda awoodda haweenka
Doorka haweenka ee hoggaaminta muddo dheer waxay ahayd mid galaangal ay ugu jireen dumarka Soomaaliyeed. Inkastoo wax xoogaa horumar ah sanadihii la soo dhaafay laga gaaray haddana weli meeshii ay dumarka rabeen lama gaarin.
Barnaamijyada dhismaha awoodda haweenka ayaan si fiican u shaqeyn, iyadoo isku duubni la’aanta dumarka ka dhex jirta iyo hay’adaha bulshada rayidka ee ku hawlan horumarinta haweenka aysan diiradda saarin xaqiiqo ahaan baahiyaha hoggaamineed ee ay dumarku qabaan.
Arrintan sida ay muhiimka u tahay waxaa dhowaan sharaxday Wasiirkii Hore ee Beeraha ee Puntland Siciid Xuseen, haddana u qareenta kaalinta haweenka, oo sheegtay in “barnaamijyada bulshada rayidka ay u sameeyaan haweenka qaarkood ay la mid yihiin qof baahan oo ansalaato [khudaar] lagu yiri taasoo aan bi’in karin baahida caloosha maran.”
Kooxaha u ol’oleeya xuquuqda haweenka ayaa adkeynaya in maalgelinta dumarka aysan kaliya ahayn waxa saxda ah ee la sameyn karo, laakiin sidoo kale waxa ugu fiican ee ay tahay in la sameeyo. Marka la xoojiyo haweenka dhaqaale ahaan, bulsho ahaan, iyo siyaasad ahaanba, bulshooyinku waxay wax ka qaban karaan dhibaatooyinka si wax ku ool ah, u kobciyaan nabadda, oo ay u beddelaan nolosha si wanaagsan.
Si loo helo nabad waarta oo bulshada dhexdeeda ah, waa in haweenka qaataan kaalintooda bulsho, loona fududeeyo inay ka qeyb qaataan hoggaaminta dhammaan heerarka kala duwan ee maamulka, oo aanay ku koobnaan siyaasadda ee ay sidoo kale ka dhex muuqdaan bulshada rayidka ah iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.
Gabar iyo dumar-kasta waxa ay awood u leedahay inay shaqeyso isla markaana ay hanato qoyskeeda, bulshadeeda, ayna gacan ka geysato dhaqaalaha Soomaaliya.
Munaasabadda Maalinta Caalamiga ee 8da Maarso darteed, waxaan ammaan iyo hambalyo u soo jeedinaynaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed, si gaar ah dumarka Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah ee wadada u xaaray jiilka soo socda ee dumarka kamid noqonaya hoggaanka Soomaaliya.