Maamulka Awdheegle oo uga digay Dowladda Federaalka la wareegidda Kastamka Afgooye

|

Afgooye(Kaab TV) –Ku-xigeenka Guddoomiyaha degmada Awdheegle, Maxamed Axmed Sheekh, ayaa maanta ka digay cawaaqib xumo amni oo ka dhalan karta haddii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la wareegto xarunta kastamka ee Afgooye, taasoo ah mid ka mid ah meelaha dakhliga muhiimka u ah gobolka.

Maxamed Axmed Sheekh ayaa sheegay in waddada u dhaxaysa Afgooye iyo Muqdisho ay u beddeli karto “goob dhimasho ama naar ka boodo” haddii arrintan dhacdo, isagoo tilmaamay in saraakiisha dowladda iyo mas’uuliyiinta safarka ku mara ay wajihi doonaan khataro amni oo aad u weyn.

Waxa uu intaa ku daray in Dowladda Federaalka ay la kulmi doonto dhibaatooyin la xiriira ilaalinta awooddeeda iyo xakameynta deegaanka, haddii aysan heli karin taageero ama faham ka yimaada maamulka iyo bulshada deegaanka.

“Haddii dowladda Xasan Sheekh ay la wareegto kastamka Afgooye, inta u dhaxaysa Afgooye iyo Muqdisho waxay noqoneysaa naarka-bood, dowladdana wax awood ah ma yeelan doonto.” ayuu yiri isagoo wareysi siinayay mid kamid ah warbaahinta maxaliga ee gudaha Soomaaliya ka howlgasha.

Si kastaba ha ahaatee, ku-xigeenka Awdheegle ayaa ku baaqay in arrinta lagu xalliyo wadahadal iyo iskaashi dhex mara Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur galbeed, Wuxuu tilmaamay in tallaabo kasta oo kacsanaan ah ay keeni karto in xiisadaha u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedka ay sii xumaadaan, taasoo si toos ah u saameynaysa nolosha dadka iyo amniga waddooyinka muhiimka ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News