SO | EN

SO | EN

Maamulka Bakool oo si kulul uga jawaabay hadallo kasoo yeeray agaasime katirsan dowladda federaalka

|

Xudur (KAAB TV) – Maamulka Gobolka Bakool ayaa maanta dalbaday in xilka laga qaado, isla markaana maxkamad lasoo taago Agaasimaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Bashiir Macallin oo dhowaan ereyo gaf ah kula kacay dadka gobolka Bakool.

Maamulka Gobolka Bakool, Maamullada degmooyinka Xudur, Waajid, Ceelbarde iyo Tiyeeglow ayaa kulan ay isugu yimaadeen ku dalbaday in Madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka ka qaado Bashiir Macallin lana horgeeyo maxkamad.

Waxay ku eedeeyeen ereyadii uu dhawaan ku hadlay ee ahaa ‘in dadka taageeray joogitaanka ciidamada Itoobiya ay yihiin ilmo Itoobiyaan’ ay tahay qadaf iyo gaf ka dhan ah sharafka iyo karaamada reer Bakool.

Maxamed Cabdi Tall oo ah Guddoomiyaha Bakool ayaa sheegay in haddii aan Bashiir Macalin laga qaadin xilka, ay u arki doonaan mid uu Xasan Sheekh raali uga yahay, maadaama agaasimaha iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay isku degaan kasoo jeedaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News