SO | EN

SO | EN

Maamulka Beledwenye oo war kasoo saaray xiisada kataagan magaalada Beledweyne

|

Beledweyne (Kaab TV) – Cumar Cismaan Calasow oo ah guddoomiyaha maamulka degmada Beledweyne oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in magaalada Beledweyne ey kajirto xiisad xooggan oo ka dhalatay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Cumar Calasow ayaa sheegay in magaalada Beledweyne ey kabilaabeen howlgalo lagu sugayo amniga magaalada, kadib markii ey kusoo bateen dhaca Mootooyinka, sidoo kale wuxuu sheegay in laamaha ammaanka ey sameyeen talaabooyin lagu xaqiijinayo amniga magaalada Beledweyne.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay xiisadaha siyaasadeed ee kajira magaalada Beledweyne, wuxuuna fariin udiray ciidanka ammaanka gaar ahaan kuwa booliska oo uu uga digay in ey kumilmaan siyaasada hada kajirto magaalada Beledweyne.

“Waxwalbo waa waa iska caadi waana iska dhaqan siyaasadeed in mararka qaar uu buuq dhoco weyna iska xalismaan, balse waxaan rabaa in aan idiin sheego in ciidamadda ammaanka sida booliiska hadaa nahay waxaas waxbo nagama eysan galin” ayuu yiri Cumar Calasow.

“Magaalada Beledweyne waxaa kajiro hal amar halkaas amarna waakan Hirshabelle” ayuu yiri guddoomiye Cumar Calasow.

“Marabno in loo hiiliyo amni daradda balse waxaan rabnaa in loo hiiliyo wanaaga dowladdnimada ey leedahay iyo kala dambeynta” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyay Cumar Cismaan Calasow.

Dhanka kale, hadalkan ayaa imaanayo xili guddomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu magaalada Beledweyne uu kawado dhaq-dhaqaaqyo ciidan isagoona dhawaan magaalada Beledweyne ka hirgaliyay maamul cusub oo lamagac baxay Hiiraan State.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News