Afgooye (KAAB TV) -Maamulka Degmada Afgooye oo dhowaan ka bilaabay inuu canshuurta sanad laha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu ka qaado Guryaha Degmada ku yaala ayaa waxaa ka horyimid diidmo ay muujinayaan qaar kamid ah Shacabka oo ku andacoonaya in aysan jirin canshuurtoodi adeeg loogu badalay.
Shalay xaafada Xaawo Taako waxaa ka dhacay isku dhac u dhaxeeyay dadka degaanka iyo ciidamada amaanka oo isku dayay inay dadka kala ceeriyaan maadama dadka diidanayeen inay canshuurta bixiyaan waxaana jiray khasaare ka dhashay rasaasta ay ciidanka ay rideen.
Dad goob joogayaal ayaa sheegay in hal qof uu ku geeriyooday midkalana dhaawac uu kasoo gaaray rasaasta ay ciidamadu ay ku rideen dadkii dibad baxyada dhigaayay.
Cabdullaahi Xaaji Xasan oo ah Gudoomiyaha Xaawo Taako ayaa sheegay inuu ogyahay kaliya Qofka dhaawaca uu soo gaaray, waxaana uu tilmaamay in dadkaan ay ku cusub tahay canshuur qaadista oo magaalo waliba laga qaado.
“Tusaale Muqdisho Canshuur ayaa laga qadaa shacabkeedi, laakin tan waxay uga duwan tahay dadka waa ay ku cusub tahay in laga qaado canshuurta sanadka ee guryaha waxaana ugu badelnaa canshuurta ay bixiyaan laamiyo ayaan ugu dhisnaa” ayuu yiri Cabdullaahi Xaaji Xasan Gudoomiyaha Xaafada Xaawo Taako ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.