SO | EN

SO | EN

Maamulka G/Banaadir oo soo saaray amar kusocda Guryaha iyo Garaashyada

|

Muqdisho (KAAB TV) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray awaamiir cusub iyo digniin la xariirta xaqiijinta amaanka magaalada.

Sidoo kale, Awaamiirtan ayaa ku socota Garaashyada iyo Guryaha ku yaala degmooyinka Muqdisho Afhayeenka Maamulka G/banaadir Saalax Dheere ayaa sheegay in lala wareegi doono Garaashyada iyo Guryaha laga soo tuuro ama lagu dhex farsameeyo waxyaabaha qarxa.

“Maamulka gobolka waxa uu faraya dadka leh guryaha banaan ee aan deegaan aheyn ee ku dhaxyaala magaalada iyo hareeraheeda iyo waliba garaashyada ku yaala koonaha magaalada Muqdisho in lala wareegi doono gurigi ama garaashkii laga soo tuuro ama lagu farsameeyo waxyaabaha qarxa” ayuu yiri Afhayeenka maamulka gobolka.

Dhanka kale, arrintan ayaa ku soo beegantay xili mudooyinkii dambe ay magaalada Muqdisho ku soo kordhayeen falalka amni darada ah iyo weerarada Al-Shabaab geysanayaan oo isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News