Muqdisho(KAAB ) Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xabsiga la dhigay askar ka tirsan Dowladda oo dil u- gaystay dad shacab ah.
Dilkan waxa ay askartan ka gaysteen isgoyska Siinaay halkaas oo ah bar kantarool oo ciidanka Dowladda ay ku sugan yihiin isla markaana gadiidka ay ku baaraan.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in askarta Dowladda dad shacab ah dhibaateeyaan sidaas darteeda talaabo laga qaadi doono askari kasta oo dhib gaysta.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin dagaalada soo noq noqday ee ciidamadda dowladda ku dhexmara gudaha magaalada, taasoo khasaaraha ugu badan gaarsiisa shacabka lagu dul dagaalamo.
Duqa Muqdisho ayaana cadeeyay in xabsiga lagu guray dhammaan ciidankii ku sugnaa isgooska Siinay oo isugu jiray booliis iyo nabad sugid.