SO | EN

SO | EN

Maamulka gobolka Banaadir oo ammar kusoo roggay gaadiidleyda magaalada Muqdisho

|

Muqdisho (Kaab TV)-Maamulka gobolka Banaadir ayaa ammar culus kusoo roggay Gaaddiidleyda magaalada Muqdisho oo isugu jiro kuwa ku shaqeesto Mooto Bajaajta, Feykonleyda nooca labalugooleyda iyo Caasileyda ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u aqriyay warsaxaafadeed usoo saa saaray maamulka gobolka Banaadir kaas Gaaddiidleyda kala duwan ee ka howl-gasha magaalada Muqdisho lagu faray in eysan qaadi karin Askari hubeysan oo wata dariiska ciidanka noocyadiisa kala duwan sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Sidoo kale maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in cidii ammarkaas qaadan weyso laga qaadi doono tallaabo waafaqsan sharciga.

Dhanka kale maamulka gobolka Banaadir ayaa markale kuwergeliyaya gawaarida mas’uuliyiinta ey qeyb kayihiin in ey qaataan awammiirta kasoo baxday maamulka gobolka si loo xaqiijiyo ammaanka sidoo kale baraha kontorool ey joogaan ciidanka ammanka ey istagaan si loo hubiyo gawaaridooda ammnigoodana loo sugo.

Sidoo kale ciidanka magaalada kudhex wata hubka waaweyn ayaa iyaguna lafaray in xeyohooda uga soo tagaan hubka, hadii kale talaabo ayaa laga qaadi doonaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Hasayeeshee, ammaanka magaalada Muqdisho ayaa billihii udambeeyay u ekaa mid soo haggaagaya kadib markii ammaanka magaalada lagu wareejiyay ciidamo cusub oo lagu soo tababaray dalka Uganda ee caasimada Kampala, balse todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo kuwaas oo ay mas’uuliyadooda ey sheegteen Kooxda Al-Shabaab.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News