SO | EN

SO | EN

Maamulka gobolka Banaadir oo bilaabay diiwaangalinta ganacsiyada

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Maamulka gobolka Banaadir oo bilaabay diwaangalinta ganacsiyada casriyeesan ee kuyaala gudaha caasimada magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, kulankan oo uu ujeedkiisu ahaa diwaangalinta ganacsiyada casriyeesan ayaa waxaa shir guddoomiyay guddoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyada Ciise Maxamuud Guure isaga oo kulamo laqaatay guddiyada ganacsatada suuqyada waaweyn ee kuyaala magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, Guure ayaa ganacsatada lawadaagay muhiimada ey leedahay in la abuuro jawi kor uqaadaayo daahfurnaanta canshuurta.

Fulinta diwaangalintan waxa ay xoojineysa xiriirka wadashaqeynta udhexeeyo ganacsatada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Ugudambeyntii, gabagabada kulanka Guure ayaa ganacsatada kula dardaarmay in ey lashaqeeyaan howl wadeenada diwaangalinta casriga ah taasi oo dhaqan gali doonta toddobaadkan gudihiisa sida uu sheegay guddoomiye kuxigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka Banaadir.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News